Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Jabuuti

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Jabuuti ayaa lagu sheegay in ay salka ku hayso aragti wadaag ku saleysan xaaladda gobolka, iskaashiga, wadajirka, danwadaagga iyo xiriirka ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu ku sugan yahay dalka Jabuuti, waxa uu la kulmi doona, dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka arrinsan doonaan xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee gobolka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

PUNTLAND POST