
Deegaannada Puntland waxaa maalmihii u dambeeyay sare u kacay qiimaha shidaalka, taas oo la sheegay in ay sababtay dagaallada ka socda Bariga Dhexe.
Waxaa meelaha qaar qiimaha halkii litir ee batroolka ah gaaray $1, halka uu markii hore ahaa $0.8, taas oo ka dhigan in uu 20% kor u kacay.
Gaadiidleyda Puntland ayaa ganacsatada shidaalka ku eedeynaya in ay si iskood ah u kordhiyeen qiimaha oo aysan arrintani wax saameyn ah ku lahayn dagaalka Bariga Dhexe.
Qiimaha shidaalka adduunka ayaa sare u kacay tan iyo markii ay Iiraan duqeymaha ku billowday dalalka Khaliijka iyo marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz.
PUNTLAND POST