
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixa uu maanta sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay mid sharci darro ah oo kala gaynaya ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweyne hore Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh in uu ka laabto dastuurka cusub, islamarkaana uu qabto doorasho loo dhanyahay oo waqtigeeda ku qabsoonta, taas oo ah mid la isla oggolyahay.
Farmaajo ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku yiri “Saxiixa sharci darrada ah ee maanta uu sameeyey Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ka soo horjeedaa hab-raarcyada uu qeexayo dastuurka ku-meel-gaarka, waxa uuna kala gaynayaa ummadda Soomaaliyeed, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa in uu kusoo laabto jidka heshiiska lagu yahay, muddada kooban ee u dhimanna uu ku qabto doorasho loo dhanyahay oo waqtigeeda ku qabsoonta, kuna salaysan hab-raacyada iyo shuruucda la isla oggolyahay”.
“Tallaabada uu qaaday Madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaanayo Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan saxiixa dastuurka uu samaystay waxa ay xoojinaysaa khatarta ku gadaaman dowladnimada dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Farmaajo.

PUNTLAND POST