Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay shir madaxeedka Urur EAC

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kaga qaybgalay magaalada Arusha ee dalka Tanzania, meertada 25-aad ee shir madaxeedka caadiga ah ee madaxda Ururka Bulshada Bariga Afrika, halkaas oo madaxda dalalka xubnaha ka ah ay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga gobolka iyo dardargelinta isdhexgalka dhaqaale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madasha ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya ka gaadhay dhinacyada amniga, dimuquraadiyadda, dowlad-wanaagga iyo dhammeystirka Dastuurka dalka, isaga oo muujiyay sida Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga gobolka iyo dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee dalalka Bariga Afrika.

Intii uu shirku socday, waxaa madasha kulanka lagu dhaariyay, Garsoore Cabdiwaaxid Warsame Cabdullaahi oo ka mid noqday Garsoorka Maxkamadda Caddaaladda Ururka Bulshada Afrika, kaasi oo fagaaraha Caddaalladda Ururka ku matali doona Soomaaliya.

Shir madaxeedka Urur EAC ee sanadkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta isdhexgalka gobolka iyo fududeynayo ganacsiga xuduudaha ka gudba, waxaana hoggaaminta sanadlaha ah ee shir guddoonka Ururka Bulshada Bariga Afrika la wareegay, Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni oo xilka kala wareegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane William Samoei Ruto.

PUNTLAND POST