Imaaraadka oo soo riday gantaallo ka yimid Iiraan

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday in nidaamyada difaaca hawada ee dalkeeda uu ka jawaabay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo laga soo diray dhinaca Iiraan.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda difaaca Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in dhawaaqyada qaraxyada ee laga maqlay qaybo ka mid ah dalku ay ka dhasheen hawlgallada difaaca hawada oo lagu soo ridayo gantaallada iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ka yimid Iiraan.

Ciidamada difaaca Imaaraadka waxay tilmaameen in ay si firfircoon uga hortagayaan weerarrada si looga ilaaliyo bartilmaameedyada gudaha dalka, xilli xiisadda ka taagan Bariga Dhexe ay weli kacsan tahay.

PUNTLAND POST