
Siyaasi Xasan Shire Abgaal ayaa soo jeediyay in dib loo eego xaaladda dekedda magaalada Boosaaso oo uu tilmaamay in muddooyinkii dambe horumarkeedii curyaamay.
Wuxuu dowladda Puntland ku dhaliilay dab-damis la’aanta dekedda magaalada Boosaaso ee sababtay in doonyo badan oo ganacsi sida ku gubtaan dekedda.
Sidoo kale Xasan Shire Abgaal wuxuu DP World oo muddo 10 sano ah gacanta ku haysa maamulka dekedda Boosaaso ku dhaliilay in aysan weli qaban shaqo la taaban karo oo wax ka beddela xaaladda jirta.
Siyaasi Xasan Shire Abgaal oo ka hadlay doon ganacsi oo ku gubatay dekedda Boosaaso ayaa yiri “dhacdadan murugada leh waxay iftiiminaysaa baahida loo qabo in si dhab ah dib loogu eego xaaladda Dekedda Boosaaso, oo muddooyinkii dambe uu curyaamay horumarkeedii. Waa nasiib darro in shirkadda DP World, oo gacanta ku haysa maamulka Dekedda Boosaaso, aysan weli qaban wax shaqo la taaban karo oo wax ka beddela xaaladda jirta”.
“Dhacdadan waxay si gaar ah u muujisay baahida loo qabo in dib loo eego xaaladda adeegyada gurmadka ee Dekedda Boosaaso, maadaama dab-damis ku filan iyo qalabkii lagu xakamayn lahaa dabka aan goobta la keenin waqtigii loo baahnaa. Dhaliishan waxaa iska leh Dowladda Puntland, oo weli aan qaadin tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo adeegyada gurmadka iyo ammaanka dekedda” ayuu raaciyay.
PUNTLAND POST