Xildhibaanadii Muqdisho ku xanibnaa oo la fasaxay

Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalmo ka hor laga celiyay magaalada Garowe ayaa maanta loo ogolaaday in ay u safraan Puntland.

Xildhibaannada iyo senatarada oo ka soo jeeda deegaanada Puntland ayaa maalmahii ugu dambeeyay ku xanibnaa magaalada Muqdisho, iyaga oo ku sugnaa Airport Hotel oo ku yaalla xarunta Xalane.

Mudanayaashan waxay ka mid ahaayeen xildhibaano iyo senataro diidan wax ka baddelkii dastuurka ee shalay la ansixiyey, iyaga oo la aragti noqday Puntland.

Xildhibaannadan waxaa safarka ku weheliya la-taliyaha madaxweynaha Puntland ee arrimaha bulshada Axmed Cabdi Hurre oo habeen hore lagu xiray Muqdisho.

PUNTLAND POST