Dastuurka cusub ee Soomaaliya oo la ansixiyay

Xildhibaanada iyo senatorrada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah oo yeesheen ku ansixiyey wax ka baddelka iyo dhamaystirka dastuurka dalka.

Wadar ahaan 222 xubnood oo ka kala tirsan labada aqal ayaa ka qeyb qaatay codbixinta, kuwaas oo kala ahaa 185 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 37 senator oo Aqalka Sare ah, xubnahaasi ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyey ansixinta dastuurka cusub.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay natiijada codbixinta, isagoo sheegay in dastuurka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si sharci ah loo ansixiyey, isla markaana uu ka dhaqan geli doono dalka.

PUNTLAND POST