Puntland oo ku eedeeysay Federaalka weerar iyo afduub

Puntland ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya weerar ku qaaday xildhibaannada ku metela labada aqal ee diidan wax ka baddelka dastuurka, islamarkaana loo gaystay jirdil iyo afduub.

Puntland waxay tilmaantay in xildhibaannada iyo senatarada loogu daatay Hotel Airport ee Muqdisho oo ku yaalla xarunta Xalane.

Sidoo kale waxay Puntland ku eedeeysay dowladda Federaalka afduub ay sheegtay in loo geystay La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha Bulshada Axmed Cabdi Hurre.

Qoraal maanta ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay siweyn u cambaareynaysaa weerarka saaka (03:00am) Dowladda Federaalka Soomaaliya ku qaaday, Xildhibaannada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan Hotel Airport (Muqdisho), iyo Afduubka loo geystay La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha Bulshada Mudane Axmed Cabdi Hurre”.

“Falkan waa mid ugub ku ah Dowladdnimada, iyadoo aan sifo sharci ah loo soo marin oo uusan jirin wax danbi ah oo ay geysteen waxaa hotel AirPort loogu daatay Xildhibaannada iyo Senatarada Puntland, waxaa halkaasi ka dhacay jirdil iyo Afduub” ayaa la raaciyay.

Qoraalka ayaa lagu soo gabagabeebay “Waxkasta oo ka dhasha falkaasi foosha xun waxaa masuuliyadeeda qaadaysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya”.

PUNTLAND POST