
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka telefoonka kula hadlay Boqorka Urdun Boqor Cabdalla binu Al-Xuseen iyo Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamiim binu Xamad.
Hoggaamiyeyaashu waxa ay ka wadahadaleen xaaladda gobolka, xiisadaha iyo iskahorimaadyada milatari ee Bariga Dhexe, iyagoo muujiyey muhiimadda ay leedahay dejinta xaaladda, yareynta xiisadaha iyo xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan garab istaagga dowladda Qatar iyo Boqortooyada Urdun oo dowladda Iiraan kala kulmay duqeymo gardarro ah, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey mowqifka carbeed ee mideysan, isagoo muujiyey in weerar kasta oo lagu qaado dhulka dalalkaas uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, caqabadna ku noqonaya nabadda iyo xasilloonida mandiqadda.
PUNTLAND POST