
Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Qaybta Booliska gobolka Nugaal ayaa shaaciyay in ay magaalada Garowe ku qabteen nin ku eedeesan mukhalasnimo iyo tahriibinta dhalinyarada.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Guuleed Cabdicasiis Axmed, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu tacadiyo jireed oo dhaawac culus leh uu ka gaystay gudaha dalka Liibiya, kuwaas oo uu u geystay muwaadiniin Soomaaliyeed.
Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in eedaysanaha uu hadda ku jiro baaris, islamarkaana la horgeyn doono hay’adaha cadaaladda marka ay soo dhammaato baaristiisa.
Sidoo kale waxay tilmaameen in ay wadaan hawlgallo ka dhan ah mukhalasiinta iyo cid kasta oo gacan siisay eedaysanaha.
PUNTLAND POST