
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in iyada oo kaashanaysa saaxiibada caalamka ay afar howlgal toddobaadkan ka fulisay deegaanno ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Howlgalada ayay NISA sheegay in lagu dilay in ka badan 23 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, kuwaas oo isu diyaarinayay in ay falal amni darro ka fuliyaan degmooyin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.
NISA waxay xustay in qaar ka mid ah xubnaha la dilay ay ku sugnaayeen deegaannada Waab-weyn iyo Goobo oo hoostaga degmada Maxaas, kuwaas oo uu hoggaaminayay nin lagu magacaabo Mustaf Caato, sidoo kale waxay tilmaantay in la dilay xubno isku uruursanayay deegaanka Maxaa Saciid ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Weeraradan oo kii ugu dambeeyay uu dhacay xalay gelinkii dambe ayaa sidoo kale lagu burburiyay xero ku taallay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, taas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad u badnaa kuwa ay Al-shabaab ugu yeeraan Xisbada, sida ay sheegtay NISA.

PUNTLAND POST