
Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kaddib markii uu fashilmay shirkii Muqdisho ee madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.
Madaxweyne Axmed Madoobe iyo wafdigii la socday waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ka sagootiyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo xubno ka mid ah Golaha Mustaqbalka.
Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ayaa maanta galinkii dambe ku dhawaaqay in ay fashilmeen wadahadaladii ay kula jireen madaxda Dowadda Federaalka Soomaaliya.
Golaha Mustaqbalka waxay burburka wadahadlada ku sababeeyeen in Dowladda Federaalka diiday doorashooyinka dowlad goboleedyada muddo dhaafka, heshiis laga gaadho doorashada federaalka iyo joojinta wax ka baddelka dastuurka.
PUNTLAND POST