Golaha Mustaqbalka oo war soo saaray

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ayaa ku dhawaaqay in ay fashilmeen wadahadaladii ay kula jireen madaxda Dowadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Mustaqbalka ayaa burburka wadahadlada ku sababeeyay in Dowladda Federaalka diiday doorashooyinka dowlad goboleedyada muddo dhaafka iyo heshiis laga gaadho midda federaalka. Sidoo kale waxay sheegeen in Dowladda Federaalka joojin wayday wax ka baddelka dastuurka oo ka mid ahaa qodobadii ay diidanayeen.

Golaha Mustaqbalka waxay xuseen in ay diyaar u yihiin wadahadal keeni kara natiijo miradhal ah, taas oo ay sheegeen in ay ku dhici karto in heshiis laga gaaro doorashooyinka dalka ka hor inta aysan dhammaan muddo-xileedka dowladda hadda jirta.

PUNTLAND POST