Lugatoor oo booqday wasaarad uu maalmo ka hor wasiirkeedii shaqada ka joojiyay

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta kormeer ku tagay wasaaradda qorshaynta, horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga Caalamiga.

Madaxweyne ku-xigeenka wuxuu kulan la qaatay ku-simaha wasiirka ahna wasiir ku-xigeenka wasaaradda Maxamed Xasan Ibraahim oo uu weheliyo agaasimaha guud Cabdulqaadir Cabdidaahir Faarax.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa mas’uuliyiinta wasaaradda ayaa kala hadlay dardargelinta howlaha shaqo wasaaradda iyo xoojinta qorshayaasha horumarinta, sida lagu sheegay qoraal ka baxay madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa 15-kii bishan soo saaray warqad u muuqatay mid xilka looga qaaday wasiirkii wasaaraddaas Daa’uud Maxamed Cumar (Bisle), isagoo ku eedeeyay xadgudub maamul, mas’uuliyad darro iyo ku tagri-fal awoodeed.

Warqada waxaa lagu xusay in uu shaqada wasaaradda sii wadi doono wasiir ku-xigeenka inta laga soo magacaabo wasiir cusub. Sidoo kale xafiiska hanti-dhowrka guud ee Puntland ayaa la faray in uu wasiir Daa’uud Bisle ka wareejiyo hantida iyo gaadiidka ay wasaaraddu leedahay.

PUNTLAND POST