Xamse oo kulan la qaatay Deni & Madoobe iyo heshiis laga gaaray goobta uu ka dhacayo shirka Muqdisho

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa caawa markale kulan la qaatay madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Xalane waxaa  diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka iyo sidii si wadajir ah loogu wajihi lahaa arrimaha mudnaanta u leh dowlad-dhiska, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraallo ka soo baxay Puntland iyo Jubaland.

Kulankan wuxuu timid kaddib markii ay maanta isfaham gaareen madaxda Dowldda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo isku af-gartay in ay ku shiraan gudaha xarunta Villa Somalia iyo in qodobada kale looga heshiisyo miiska dushiisa.

Weli lama xaqiijin xilliga rasmiga ah oo uu Villa Somalia ka furmayo shirka madaxda Dowldda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka oo qodobada ugu adag ee looga hadli doono ay yihiin wax ka baddelka dastuurka iyo doorashooyinka.

PUNTLAND POST