
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta daah-furay wajiga labaad ee barnaamijka biyo qaybinta ee loogu tala galay gobolada Puntland ee abaartu saamaysay.
Munaasabadda daah-furka oo ka dhacday deegaanka Birta-dheer ee gobolka Nugaal ayaa lagu shaaciyay in maanta la qaybinayo biyo dhan 1,710 booyadood, iyada oo intaas lagu daray in shaqada biyo dhaaminta ay si joogta ah uga socon doonto dhammaan gobolada iyo degmooyinka Puntkand, sida uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka Puntland.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa tilmaamay in dowladda Puntland ay ka go’an tahay in gargaar la gaarsiiyo dadka iyo duunyada ay abaartu daran saamaysay.
Deegaanno ka tirsan Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ka soo yeeraysay qaylo-dhaan la xiriirta biyo la’aan, kaddib markii ay jabeen qaar ka mid ah ceelashii biyaha ee deegaanadaas laga isticmaali jiray.
Hoos ka daawo khudbada Lugatoor
PUNTLAND POST