
Dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya ayaa maanta kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan arrimaha socdaalka iyo fududeynta isu-socodka muwaadiniinta labada dal.
Heshiiska waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay wasiirka amniga gudaha, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, halka dhinaca Tansaaniya uu u saxiixay wasiirka arrimaha gudaha Patrobas Paschal Katambi.
Waxaa goob-joog ka ahaa saxiixa heshiiska Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tansaaniya, Amb. Ilyaas Cali Xasan, iyo madaxda hay’adaha socdaalka ee labada dal.

Qodobbada la isla qaatay waxay diiradda saarayaan fududeynta isu-socodka, iyadoo laga dhaafay dal-ku-galka muwaadiniinta sita baasaboorrada diblomaasiga iyo kuwa shaqaalaha dowladda, halka muwaadiniinta sita baasaboorrada caadiga ah ay dal-ku-gal ku heli doonaan 24 saacadood gudahood.
Heshiiskan waxaa la sheegay in uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed, amni iyo ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Tansaaniya, gaar ahaan dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC).
PUNTLAND POST