
Waxaa maanta kulan yeeshay labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kaas oo ay xildhibaannadu kaga doodayeen wax ka baddelka dastuurka ee lagu muransan yahay.
Doodda kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray cutubka 6-aad ee dastuurka gaar ahaan qodobbada la xiriira awoodaha labada gole iyo habraaca sharci-dejinta Baarlamaanka, iyadoo la falanqeeyay sida loo waafajin karo nidaamka dastuuriga ah iyo hannaanka shaqo ee hay’adaha sharci-dejinta.
Dhanka kale waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay xildhibaanada labada aqal ee diidan wax ka baddelka dastuurka, kaas oo la magac-baxay xildhibaanada xorta ah. Waxay yeesheen in ay kulankooda uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo xaaladda baarta Soomaaliya.
Waxay intaas ku dareen in qayb ka mid ah baarlamaanka ay u afduuban tahay guddoomiye Aadan Madoobe, ayna labo garab u kala jabeen xildhibaanada labada aqal iyo sidoo kale guddiyada dastuurka & joogtada, sida ay hadalka u dhigeen.
PUNTLAND POST