Miyaa xilka laga qaaday wasiirka qorshaynta Puntland?

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa shalay soo saaray warqad u muuqata mid xilka looga qaaday wasiirka qorshaynta, horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga ah, Daa’uud Maxamed Cumar (Bisle).

Wasiir Daa’uud Bisle ayaa shaqada laga joojiyay, isaga oo lagu eedeeyay ku xadgudub maamul, mas’uuliyad darro iyo ku tagri-fal awoodeed.

Warqada waxaa lagu xusay in uu shaqada wasaaradda sii wadi doono wasiir ku-xigeenka inta laga soo magacaabo wasiir cusub. Sidoo kale xafiiska hanti-dhowrka guud ee Puntland ayaa la faray in uu wasiir Daa’uud Bisle ka wareejiyo hantida iyo gaadiidka ay wasaaraddu leedahay.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in warqadan uu amarkeeda soo bixiyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo hadda ku sugan Muqdisho, islamarkaana marka uu soo noqdo uu wasiir cusub u magacaabi doono wasaaradaas.

PUNTLAND POST