Rajo xumo laga muujiyay shirka Muqdisho

Xildhibaan Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ah ayaa rajo xumo weyn ka muujiyay shirka lagu wado in ay Muqdisho ku yeeshaan Golaha Mustaqbalka iyo madaxda Dowadda Federaalka.

Xildhibaan Jacfar oo xalay hadal ka jeediyay kulankii xildhibaanada mucaaradka iyo Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in aan wax natiijo ah ka soo baxayn shirkaas, isaga oo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in uusan rabinnnabad, islamarkaana wax walba uga weyn yihiin rabitaankiisa.

“Haddaan sii sheegayaaye, shirka waxba kama soo baxayaan ee madaxda timid howshooda ha qabsadaan, kuwa Muqdisho-na ha is diyaariyaan…” ayuu yiri xildhibaan Jacfar.

Dhanka kale madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa sheegay in aysan magaalada Muqdisho ka tagi doonin illaa heshiis buuxa laga gaaro doorashada dalka ee lagu muransan yahay.

Madaxda Dowadda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka waxay weli isku fahmi la’ yihiin goobta uu ka dhacayo shirka, waxaana labada dhinac dhexdhexaadinaysa Beesha Caalamka.

PUNTLAND POST