
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay labo nin oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaas oo ay hore maxkamadda ciidamada xukun ugu riday.
Labada nin oo lagu toogtay magaalada Muqdisho waxaa magacyadooda lagu sheegay Cabdi Cabdiqaadir Maxamed oo afgarasho u ahayd Xuseen iyo Farxaan Maxamuud Cabdinuur Aadan oo isna afgarasho u ahayd Xasan.
Labada nin waxay hore magaalada Muqdisho ugu dileen afar qof, sida lagu sheegay qoraal ka baxay garsoorka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
“Cabdi C/qaadir Maxamed oo Xuseen afgarasho u ahayd iyo Farxaan Maxamuud C/nuur Aadan oo isna Xasan afgarasho u lahaa, ayaa saaka lagu fuliyay dil toogasho oo horey ay ugu xukuntay maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida. Labadooda, ayaa Muqdisho ku dilay afar muwaadin” ayaa lagu yiri qoraalka garsoorka.
PUNTLAND POST