Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta kulan la qaatay guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland.

Kulanka waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, dhinacyada amniga iyo siyaasadda, sidoo kale waxaa looga hadlay arrimaha gudaha Puntland sida amniga, difaaca, illaalinta midnimada Puntland iyo dardargelinta gurmadka abaarta.

Waxaa kulanka ka qeybgalay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirisaaq Axmed Saciid, guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), xubnaha golaha joogta ee golaha iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland.

PUNTLAND POST