Waa sidee jawiga kulanka maanta ee baarlamaanka federaalka?

Kulan ay maanta oo isniin ah yeesheen xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo looga doodayo wax ka beddelka qodobo ka mid ah dastuurka ayaa ah mid ka dagan kulamadii hore.

Kulanka maanta waxaa ganaax kaga maqan ku dhawaad 50 xildhibaan oo kulamadii hore diiday qorshaha wax ka baddelka dastuurka, kuwaas oo xalay la magac-baxay “xildhibaanada xorta ah”.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu gebi ahaanba joojiyo wax ka baddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka, hase ahaatee madaxweynahu wuxuu dardargeliyay sii wadida qodobkaas.

Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta waxay wax ka baddelka dastuurka ku tilmaameen mid lagu carqaladeynayo gogosha ay aqbaleen ee taalla Muqdisho.

PUNTLAND POST