
Safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Amb. Pier Mario Dacco Coppi ayaa xalay soo xiray mashruuc la sheegay in lagu diiwaangeliyay dadka degan xaafad ka mid ah magaalada Garowe ee caasamidda Puntland.
Mashruucan oo ay maalgelisay dowladda Talyaaniga waxaa laga hirgeliyay xaafadda Halgan ee magaalada Garowe, sida uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo ka qaybgalay munaasabaddii lagu soo xirayay mashruuca.
Mashruucan waxaa hore magaalada Garowe looga daahfuray 24 Diseembar 2025, waxaana xilligaas la sheegay in la daahfuray “Hay’adda Diiwaangelinta Dadweynaha Puntland”, sida lagu baahiyay warbaahinta dowladda Puntland.

Barnaamijkan ayaa ahaa mid ka madaxbannaan dowladda Puntland, lamana hubo in xogta la qaaday tahay mid sugan, amni ah oo ku keydsan gacmo la isku ha layn karo.
Golaha wasiirrada Puntland waxay go’aan ay soo saareen 6-dii bishii Nofeembar 2025 ku sheegeen in 1-da Jannaayo 2026, la hawlgelin doono hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta Puntland ee (PID), hase ahaatee hay’adaas weli lama magacaabin.
Puntland waxay hore deegaannadeeda ugu mamnuucday qaadashada kaarka NIRA oo ay bixiso dowladda federaalka Soomaaliya, iyada oo ku tilmaantay mid aan xogtiisa la isku ha layn karin oo siyaasadeysan.

PUNTLAND POST