Gaalkacyo: Madaxweyne Deni oo xarigga ka jaray xarunta dowladeed, midna dhagax dhigay

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha cusub ee taliska qaybta booliska gobolka Mudug.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Gen. Muumin Cabdi Shire, ayaa madaxweynaha uga mahadceliyay furitaanka dhismahan cusub, isagoo xusay in xaruntani ay si weyn u xoojin doonto hawlaha amniga, hoggaaminta iyo isku-duwidda shaqada ciidanka booliska ee Gobolka Mudug.

Taliyuhu waxa uu intaas ku daray in dhismahani uu yahay mid kor u qaadaya tayada adeegga amni ee ay boolisku u hayaan bulshada, isla markaana muujinaya dadaalka joogtada ah ee xukuumadda Puntland ku horumarinayso hay’adaha amniga.

Dhanka kale madaxweynaha Puntland wuxuu maanta dhagax dhigay dhismaha cusub ee xarunta garsoorka gobolka Mudug.

PUNTLAND POST