Villa Somalia oo beenisay hadal ka soo yeedhay Farmaajo

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdicasiis Golfyare ayaa beeniyey in uu jiro wax wadahadal ah oo dhaxmaray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo ku saabsan guri Farmaajo looga dhisay deegaanka Ceeljaalle ee hoostaga magaalada Marka.

Hadal qoraal ah oo uu arrintan kaga hadlay ayuu ku yiri “ma jiro wadahadal dhexmaray Madaxweynaha JFS, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku saabsan dhismaha guriga la sheegay in Marko looga dhisay. Sheegashada Farmaajo, waa mid ka fog xaqiiqada dhabta ah, islamarkaana aan ka turjumayn mas’uuliyadda iyo culayska hoggaamineed ee xilligaasi saarnaa Madaxweynaha dalka”.

“Waa nasiib-darro in madaxweyne hore oo dalka soo maamulay uu sameeyo been abuurasho iyo sheegasho aan xaqiiqo ku dhisnayn, isaga oo doonaya hadal-hayn warbaahineed” ayuu raaciyay.

Sidoo kale wuxuu ayaan-darro ku tilmaamay in madax dalka soo maamushay ay soo bandhigto guri ay ku kacday $300,000, xilli dadka Soomaliyeed abaaro la dhibtoonayaan.

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa wareysi uu bixiyay oo shalay la baahiyay ku sheegay in ololaha “Mahadsanid Madaxweyne” uu joojiyay markii uu socday dhowr todobaad, kaddib markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka codsaday arrintaas.

PUNTLAND POST