Axmed Madoobe oo bilad sharaf iyo shahaado guddoonsiiyay saraakiil Maraykan ah

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay sarakiisha howlgallada gaarka ee qeybta ka ah AFRICOM ee ka howlgala Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland wuxuu sarakiisha Maraykanka uga mahadceliyay iskaashiga dhinaca amniga, gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo howlgalka la dagaallanka Al-shabaab, iyo sidoo kale kaalintii muhiimka ahayd ee ay ku lahaayeen howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu jabiyay argagixisada, kuwaas oo ka dhacay deegaano kala duwan oo ka tirsan Jubaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sarakiisha ciidamada howlgallada gaarka ah ee qeybta ka ah AFRICOM ku ammaanay wada shaqeynta ay muujiyeen, wuxuuna guddoonsiiyay bilad sharaf iyo shahaado mahadcelin, isagoo uga mahadceliyay doorkooda muhiimka ah ee taageerada dhinacyada badan ee amniga Jubaland.

PUNTLAND POST