Puntland oo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeysay in uu fashilinayo shirka Muqdisho

Puntland ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay khatar gelisay saraakiil iyo ciidamo ka tirsan ilaalada madaxweyne Deni oo diyaaradii waday loo diiday in ay ka degto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa lagu cambaareeyay tallaabadaas, waxaana sidoo kale lagu sheegay in tan iyo markii Puntland iyo Golaha Mustaqbalka ay aqbaleen gogosha Muqdisho uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qaaday tallaabooyin lagu fashilinayo shirkaas.

Puntland waxay Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay kala fogeynayso wadajirka iyo midnimada dadka & dalka Soomaaliyeed, iyada oo farrrintaas ogaysiisay Beesha Caalamka iyo ummadda Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST