
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay duqeyn loo geystay safaaradda dalka Qatar ee ku taala caasimadda Ukraine ee Kyiv, taas oo sababtay khasaare.
Qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya ayaa lagu yiri “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo ku aaddan khasaarihii soo gaaray Safaaradda Dawladda walaalaha nahay ee dalka Qatar taas oo ku taala caasimadda Jamhuuriyadda Ukraine, Kyiv, taas oo loo geystay duqayn”.
Dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqday dhinacyada dagaalamaya in ay ilaaliyaan dhismayaasha diblomaasiyadeed iyo shaqaalahooda, si waafaqsan heshiiska Vienna ee xiriirka diblomaasiyadeed.

PUNTLAND POST