Sidee Hargeysa ku tagay wasiirka arrimaha dibada Israa’iil?

Wasiirka dibadda Israa’iil Gideon Saar ayaa u adeegsaday socdaalka uu ku tagay Somaliland diyaarad ganacsi oo nooceedu yahay Airbus A319, kana tirsan shirkadda Fly Lilly Airlines ee ka diiwaangashan dalka Romania.

Diyaaradda ayaa isniintii ka soo kacday Tel Aviv, waxayna soo dulmartay dalalka Jordan, Sacuudiga iyo Ereteriya, iyadoo ku degtay garoonka diyaaradaha Addis Ababa.

Duullimaadkii shalay ay ku timid magaalada Hargeysa ayay ka soo bilowday Addis Ababa, waxaana intii ay hawada ku jirtay la damiyay qalabka raadaarka.

PUNTLAND POST