
Siyaasi Cali Xaaji Warsame ayaa madaxda Puntland ugu baaqay in ay caddeeyaan mowqifka reer Puntland ee midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaliyeed.
Cali Xaaji ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X (hore loo oran jiray Twitter) ku yiri “madaxda Puntland waxaa looga fadhiyaa inay maanta caddeeyaan mowqifka reer Puntland oo ah wadajirka ummadda Soomaaliyeed & midnimadda dhuleed ee dalka”.
“Iskuma heli karaan inay Xamar xilka dalka ugu sarreeya u doontaan ama hadda u socdaan, haddana markii laga hadlayo wadajirka & midnimadda dalka ay hoos u hadlaan” ayuu raaciyay.
Cali Xaaji wuxuu sheegay in khilaafka gudaha ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda dhexe uusan sababi karin in laga aamuso duulaanka midnimadda dalka lagu yahay.
“Waxa ka dhexeeya Puntland & dowladda dhexe waa meesheedii, waxaana looga wada hadlayaa gole furan & war cad oo ah dal la wada leeyahay oo loo wada-talinayo, dastuur heshiis lagu yahay & doorashooyin waqtigoodii ku dhaca laakiin marna lama aqbali karo in laga aamuso duulaanka midnimadda dalka lagu yahay” ayuu yiri Cali Xaaji Warsame.
PUNTLAND POST