
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan degdeg ah oo ay ku yeesheen magaalada New York, uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.
Inta badan xubnaha Golaha Ammaanka oo ay ku jiraan Shiinaha, Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka oo leh diidmada qayaxan (Veto power) ayaa diiday go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, waxayna taageereen midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya.
Maraykanka oo go’aankiisa aad isha loogu hayay ayaa ku gaabsaday in siyaasadiisii hore ee Soomaaliya aysan waxba iska beddelin, Israa’iil na xaq u leedahay cidda ay xiriir la sameynayso.
Kulankan ayaa ku soo aaday, iyada oo toddobaad kaddib ay shir-guddoonka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay la wareegayso Soomaaliya.
PUNTLAND POST