
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, Waqooyi-bari iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Kulanka waxaa looga hadlay go’aanka Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland iyo qorshaha dowladda Soomaaliya kaga hortagayso tallaabadaas, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.
Madaxda dowlad goboleedyada ee ka qaybgalay shirka ayaa sheegay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka iyo qarannimada Soomaaliya, iyaga oo ka digay khatar amni oo tallaabada Israa’iil u horseedi karta gobolka.
Kulankan looga hadlay midnimada Soomaaliya ayaa ku soo aaday, xilli weli uu taagan yahay khilaafka gudaha ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland & Madasha Samatabixinta.
PUNTLAND POST