Culimo ku sugan Puntland oo ka hadlay aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland

Qaar ka mid ah culimada Puntland oo war-saxaafadeed ka soo saaray magaalada Garowe ayaa ka soo horjeensaday go’aanka Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland.

Culimadan ayaa ku baaqay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaliyeed, islamarkaana ay waajib tahay difaaca diinta iyo dalka.

“Waxaan si cad ugu soo horjeednaa aqoonsiga Yuhuudda ay sheegtay in ay siisay Somaliland, taas oo xasuuqday birmagayadii walaalaheen reer Falastiin” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Culimada Puntland waxay sheegeen in xiriirka Israa’iil la yeelatay Somaliland uu keeni karo fasahaad iyo amni darro soo wajahda ummadda muslimiinta.

PUNTLAND POST