Madaxweyne Xasan Sheekh oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta codkiisa ka dhiibtay doorashada golaha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir, isagoo ka codeeyay goob codbixin oo ku taalla degmada Warta Nabadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal kooban jeediyay ayaa yiri “tani waa mustaqbalka Soomaaliya oo wado cusub qaaday, waan hubaa iyaguna (mucaaradka) in ay maalin maalmaha ka mid ah ku soo biiri doonaan”.

Doorashada Muqdisho waxaa ka qaybgalaya ilaa 1,600 oo musharrax oo ku tartmaya 390 kursi oo loo kala qaybiyay A iyo B, kuwaas oo ka kala socda 20 urur siyaasadeed oo ugu weyn yahay xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Doorashadan oo ah tii ugu horreysay ee qof iyo cod ah oo ka dhacda Muqdisho tan iyo 1969 kii ayaa ku socota jawi deggan oo xasilloon, waxaana lagu wadaa in codbixintu soo xirmato lixda maqribnimo ee xilliga Muqdisho.

PUNTLAND POST