
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socda safar ku taga magaalada Nairobi ee dalka, halkaas oo uu kula kulmayo Madaxweyne William Ruto.
Ilo xog ogaal ah ayaa Puntland Post u sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu doonaya in uu dowladda Kenya uga dacwoodo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo xubin muhiim ah ka ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu 19 bishan Diseembar dacwad tan la mid ah ugu tagay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa hore isugu dayay in ay heshiisiiyaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe, hase ahaatee kuma aysan guuleysan qorshahaas.
Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu xiriir qoto dheer la leeyahay dowladaha deriska ah ee Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo saameyn amniga iyo mid siyaasadeed ku leh Soomaaliya.
PUNTLAND POST