Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabay baaqii shirkii Kismaayo

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aqbalay wadahadalkii ay ku baaqeen Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maalmo ka hor ku shiray magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay galab hadal ka jeediyay isu-soo bax uu sameeyay xisbigiisa JSP ayaa sheegay in go’aannadii ka soo baxay shirkii Kismaayo ay ka qaateen hal qodob oo ah in la wadahadlo.

Wuxuu intaas ku daray in dowladdu ay jawaab rasmi ah ka soo saari doonto baaqii Kismaayo, ayna diyaar u yihiin wadaxaajood.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu muddo bil gudaheed ah isugu yeero saamileyda siyaasadeed ee dalka, si bay dheheen looga heshiiyo doorasho xilligeeda ku dhacda.

Waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin in uu madaxweyne Xasan Sheekh kala xaajoodo sidii dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay oo ka horumarsan tii 2022.

PUNTLAND POST