
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa xilkii ka qaaday safiirkii Washington u fadhiyay magaalada Muqdisho Danjire Richard H. Riley, kaas oo ka mid noqday safiirro dhawr ah oo xilka laga qaaday.
Danjire Richard H. Riley wuxuu muddooyinkii dambe ku howlanaa in uu qayb ka noqdo xal u helida siyaasadda cakiran ee Soomaaliya, waxaana la sheegay in xilka qaadistiisa aan weli si rasmi ah loogu wargelin Villa Somalia.
Madaxweynihii hore ee Maraykanka Joe Biden ayaa bishii Maarso ee sannadkii 2023 Richard H. Riley u magacaabay safiirka Washington ee Muqdisho, wuxuuna Madaxweyne Xasan Sheekh warqadaha aqoonsiga kala wareegay bishii Juun 2024.
Xilka qaadista lagu sameeyay safiirkii Maraykanka ee Soomaaliya waxay ku soo beegmatay xilli ay siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Geeska Afrika iyo gaar ahaan Soomaaliya ay yeelatay weji cusub.
PUNTLAND POST