Dagaal ka dhacay degmada Jalalaqsi

Dagaal ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kaas oo dhexmaray maamulka degmada iyo maleeshiyo beeleed hubaysan oo ka caraysan nabadoon la xiray.

Dagaalka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac, hase ahaatee faahfaahin badan lagama hayo inta uu la’eg yahay khasaaraha.

Dagaalka ayaa si weyn looga dareemay xaafadaha magaalada Jalalaqsi, waxayna dadku maqlayeen rasaasta kala duwan ee labada dhinac isweydaarsanayeen.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada ayaa weli wax war ah ka soo saarin dagaalka khasaaraha geystay ee maanta ka dhacay gudaha magaalada Jalalaqsi.

PUNTLAND POST