Puntland oo shaqada ka joojisay hanti-dhowre ka soo muuqday Muqdisho

Puntland ayaa shaqada ka joojisay hanti-dhowrihii gudaha ee wasaaradda xanaanada xoolaha, Raage Axmed Xuseen (Abwaan Ciiro) oo shalay ka qaybgalay munaasabadda Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ka dhacday Muqdisho.

Warqad ka soo baxday wasiirka xanaanada xoolaha Puntland Cumar Cabdisamed Dhuux oo ku taariikhaysan 21 Diseembar 2025 ayaa lagu sheegay in mushaarka laga joojiyay Abwaan Ciiro, iyadoo lagu eedeeyay in uu galay arrimo siyaasadeed, islamarkaana uu ku xadgudbay xeerka shaqaalaha iyo go’aankii Puntland xiriirka ugu xirtay hay’adahha dowladda federaalka.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa soo badanayay shaqaale iyo ciidan ka tirsan Puntland oo tagaya magaalada caasimadda ee Muqdisho, kuwaas oo qaarkood ku biiray hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST