
Shirkii Kismaayo ayaa xalay soo xirmay, iyada oo lagu heshiin waayay qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ee fadhigeedu yahay Muqdisho.
Xubnaha golaha ayaa ku kala qaybsamay aragtida cidda noqonaysa hoggaanka golaha, iyada oo xubnaha qaar qabeen in guddoomiyaha golaha laga dhigo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, hase ahaatee xubno kale ayaa diiday soo jeedintaas, halka kuwo kale caddeyn waayeen aragtidooda.
Aragtiyaha isdiidan ee xubnaha ku mideysan golaha ayaa keentay in lagu guuldarreysto dhammeystirka qaab-dhismeedka golaha oo ahaa qodob muhiim u ah shirka Kismaayo.
Ajandaha shirka Kismaayo wuxuu ahaa dhammeystirka qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo in ay ka arrinsadaan go’aannada ay ka qaadanayaan xaalada kala guurka ah ee dalka.
PUNTLAND POST