
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu muddo bil gudaheed ah isugu yeero saamileyda siyaasadeed ee dalka, si bay dheheen looga heshiiyo doorasho xilligeeda ku dhacda.
Waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin in uu madaxweyne Xasan Sheekh kala xaajoodo sidii dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay oo ka horumarsan tii 2022.
Golaha ayaa tilmaamay haddii madaxweynuhu uusan ka soo jawaabin baaqooda in ay bilaabayaan sidii loo qaban lahaa doorasho, islamarkaana aysan aqbalayn wax muddo kordhin ah oo loo sameeyo hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya.
PUNTLAND POST