Dhacdooyin nololeed oo horseeday in lagu baraarugo Khatarta caafimaad ee gudniinka gabdhaha

Dr. Ifrah A. Farah

Bulshada ayaa sannadihii danbe ku soo baraarugtay khatarta caafimaad ee gudniinka gabdhaha, kaasi oo galaaftay nolosha boqollaal gabdhood, halka qaar kalena weli la daala-dhacayaan saamayntii uu ku reebay jir ahaan iyo maskax ahaan.

Marka laga yimaado dadaallo xooggan oo laga sameeyay dhanka wacyi-gelinta bulsho, haddana waxaa jira dhacdooyin nololeed oo baraarug u noqday qoysas badan, kuwaasi oo u horseeday in ay gabdhahooda ka joojiyaan gudniinka, kaddib markii dhibaatooyin caafimaad la soo darseen kuwii hore loo guday.

Gudoomiyaha dalladda Midowga ururada haweenka Puntland ee Midnimo Women Network Dr. Ifrah A. Farah ayaa nala wadaagtay dhacdooyin ku saabsan dhibaatooyin uu sababay gudniinka gabdhaha oo baraarug bulsho horseeday ayaa tiri:

“Waxaan goob-joog u ahaa in gabar yar oo la-aqal gashay wiilkii ay jeclayd, gabadhaaasi, iyadoo aan laba habeen joogin gurigeeda ayay kasoo carartay, sababtuna waxay ahayd in aysan sidii caadiga ahayd ula falgali Karin, waalidka ayaa ku celiyay si khasab ah ugu danbayn gabdhii asbuuc ka dib wiilkii guursaday ayaa maqas iskiis ugu jarjaray si xun ayay u dhiig baxdey waana sakaaraday isbitaalka ayaa loola cararay mudda kadibna xubinteedii taranka waxay noqotay hawlgab.”

Dr. Ifrah A. Farah ayaa sidoo kale ka sheekaysay qiso kale oo ku dhacday qoys Soomaaliyeed, waxay sheegtay in gabar lagu sameeyay gudniin markii ay qaan-gaartay dhiigii caadada ka imaan waayay oo bil kasta ku xirmayay ilaa heer ay gaartay in gumaarku bararo, taasi oo shaki ku abuurtay qoyskii gabadha dhalay.

Hooyadii ayaa gabadhii dhakhtar gaysay ayadoo uga shakiday in ay uur leedahahay , dhakhtarkii markii uu gabadhii baaray wax natiijo ah kama helin, kadib gumaarka ayuu computer ka saaray ugu danbayn wuxuu arkay in waxa gabadha ka buuran yahay dhiig ururay oo guntamay, maadaama dhiigii caadadu ku xirmay, iyadoo gabadhii sidaasi lagu daweeyay. Intaasi kadib hooyadii ayaa go’aansatay in aysan dib danbe gabar ay dhashay u gudin.

Dr. Hafsa Hamud

Dhinaca kale, Dr. Hafsa Hamud oo kamid ah bahda Caafimaadka Puntland, islamarkaana aan wax ka weydiinay khatarta Caafimaad ee gudniinka gabdhaha ayaa sharraxaad ka bixisay dhibaatooyinka uu gabdhaha ku sababo gudniinka ee saamaynta ku yeesha noloshooda laga bilaabo wakhtiga gudniinka ilaa xilliga foosha.

“Gudniinka gabdhaha dhibaatooyinkiisa waxa ugu horreeya gabadha markii la gudo in dhiig-bax ku yimaado iyo in caabuq ay ka qaaddo, sidoo kale gabadhii markii ay qaan-gaarto in caadadii ku xiranto oo ay dhibaato kala kulanto, sidoo kale qeybihii la jaray in burooyin ka soo baxaan oo caabuq ku dhasho ilaa minka afkiisa waxa kale oo dhici karta in gabadhii markay dhalayso jaritaan lagu sameeyo aan daruuri ahayn, taasi oo laga baaqsan karay haddii aysan gudnayn.” Ayay tiri Dr. Hafsa Hamud.

Dr. Hafsa Hamud waxay sidoo kale tilmaantay in wakhtigan aad loogu baraarugay dhibaatada Caafimaad ee gudniinka gabdhaha, kaddib markii ay soo bateen dhacdooyinka nololeed oo muujinaya saamayntiisa xun ee uu ku reebay Caafimaadkii gabdhaha, taasi oo qoysas badan u horseeday in ay joojiyaan gudniinka, si ay gabdhaha noloshooda uga badbaadiyaan dhibaatadiisa Caafimaad.

Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda xilligaan ku baraarugsan khatarta iyo dhibaatooyinka gudniinka gabdhaha, kadib markii ay joob-joog u noqdeen dhacdooyin caafimaad-daro oo ay la kulmeen gabdhihii gudniinka lagu sameeyay, kuwaasi oo qaarkood galaaftay noloshooda.

Nabadoon Abshir Cali Halow

Nabaddoon Abshir Cali Halow oo kamid ah odayaasha dhaqanka ayaa sheegaya in uu marar kala duwan goob-joog u ahaa qoysas gabdhahoodu dhibbane u noqdeen dhibaatooyin caafimaad oo ka dhashay gudniinka, isagoo tilmaamay in uu arkay hooyooyin gabdhahooda ka daayay gudniinkii, kadib markii kuwa horay loo guday ay la soo darseen xaalado caafimaad-darro oo joogto ah.

Dhinaca kale, Nabaddoon Abshir Cali wuxu soo jeediyay in la kordhiyo wacyi-gelinta ku saabsan Joojinta gudniinka gabdhaha, islamarkaana la meel mariyo Xeerka mamnuucaya gudniinka Gabdhaha oo uu sheegay in uu weli Baarlamaanka horyaal.

Ugu danbayn, Joojinta gudniinka gabdhaha waa mas’uuliyad wadareed saaran dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dowladda, si loo badbaadiyo nolosha gabdhaha, waana in la sii kordhiyo dadaallada wacyi-gelinta, islamarkaana waxa dowladda laga rabaa in ay mas’uuliyad gaar ah iska saarto hirgelinta iyo fulinta xeerka joojinta gudniinka gabdhaha oo wakhtigaan aad loogu baahan yahay.

PUNTLAND POST