Sida la filayo in uu noqdo qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ayaa maanta shir gaar ah oo ay yeesheen kaga hadlay dhammeystirka qaab-dhismeedka golaha.

Madaxaweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa in uu noqdo guddoomiyaha golaha, halka madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe isna la filayo in uu noqdo guddoomiye ku-xigeenka golaha.

La-taliyaha madaxweynaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanad iyo Eng. Cabdullaahi Carab ayaa midkood la saadaalinayaa in laga dhigo xoghayaha guud ee golaha.

Shirka mucaaradka ee Kismaayo oo maalin labaad galay waxaa weli laga arrinsanayaan qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo xaaladda kala guurka ah ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

PUNTLAND POST