
Shirka mucaaradka Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Kismaayo, kaas oo ay ka qaybgaleen madaxda Puntland, Jubaland, Madasha Samatabixinta, Midowga Haybad Qaran iyo siyaasiyiin kale.
Shirka oo socon doono muddo saddex berri ah waxaa looga arrinsanayaa xaaladda kala guurka ah ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo Dowladda Federaalka doonayso in ay ku dhacdo qof iyo cod.

Sidoo kale shirka qayb ka mid ah waxaa looga hadlayaa dhammeystirka qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta.
Shirkan waxaa diiday in uu ka qaybgalo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo ka mid ah mucaaradka dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.
PUNTLAND POST