
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka cudurdaartay ka qabgalka shirka mucaaradka ee Kismaayo, markii madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ka codsadeen in uu ka soo qaybgalo shirkaas.
Madaxweyne hore Farmaajo ayaa diidmadiisa ku sababeeyay in ay shirka Kismaayo ku lug leeyihiin sirdoonka dalal shisheeye, gaar ahaan dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta, sida uu Puntland Post u sheegay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo diiday in la xigto magaciisa.
Waxaa la sheegay in Farmaajo qorsheynayo in uu shirka ka bacdi tago magaalada Kismaayo, kaas oo uu doonayo in uu kula kulmo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.
Diidmada Farmaajo ee shirka Kismaayo waxay calaamad u tahay sida siyaasadda Soomaaliya u cakiran tahay marka la eego isbahaysiyada kala aragtida ah oo kala qeybsanaantoodu faa’iido siyaasadeed u tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
PUNTLAND POST