Deegaan ka tirsan Puntland oo fuustada biyaha ah gaartay 12 doolar

Biyo la’aan xoog leh ayaa laga soo sheegayaa deegaanno ka tirsan gobolka Raascasayr ee Puntland, taas oo keentay in qiimaha biyuhu uu sare u kaco, islamarkaana dadka iyo xaalahaba ay xaaladoodu xun tahay.

Dhibaatadan waxaa sababay abaar ba’an oo halkaa ka taagan, kadib markii ay baaqdeen roobab la filayay xiiliyadii dayrta iyo guga ee sanadkan, waxaana la tilaamay in ay gureen baraagihii iyo ceelashii abaarta awgeed.

Goobaha ay biyo la’aantu ka taagan tahay waxaa ka mid ah deegaanka Conqoro oo hoostaga degmada Baargaal, iyadoo dadka deegaankaas ay sheegeen in halka foosto oo biyaha ah ay gaartay 12 doolar, taas oo dhibaato ku keentay nolosha dadka danyarta ah ee halkaa ku nool.

Inkastoo xaaladda biyo la’aanta ay ka jirto deegaanno badan oo ka tirsan Puntland, haddana degmada Baargaal iyo guud ahaan gobolka Raascasayr waa kuwa ugu daran.

Maamulka gobolka Raascasayr iyo kan degmada Baargaal ayaa sheegay in ay qaylo dhaan farabadan u gudbiyeen hay’adaha samafalka iyo dowladda dhexe ee Puntland, laakiin uusan jirin wax gurmad ah oo soo gaaray meelaha gobolka ka tirsan ee ay dhibaatada biyo la’aaneed ka taagan tahay.

PUNTLAND POST