Wasiir ka tirsan dowladda Sweden oo Muqdisho yimid

Wasiirka iskaashiga horumarinta caalamiga ah iyo ganacsiga dibadda ee dowladda Sweden Mr. Benjamin Dousa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweeyay wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige.

Intii uu socday kulanka soo dhaweynta ah oo ka dhacay qeybta qaabilaadda Garoonka (VIP) ayaa labada wasiir waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha, xoojinta iskaashiga labada dal iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn miro dhal ah.

Socdaalka wasiirka iskaashiga horumarinta caalamiga ah iyo ganacsiga dibadda dowladda Sweden oo qaadan doona laba cisho ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato mas’uuliyiinta dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST