Jamaal oo loo magacaabay wasiirka ganacsiga Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasme Cabdi Barre ayaa cayriyay wasiirkii ganacsiga iyo warshadaha Maxamuud Axmed Geesood iyo wasiirkii howlaha guud & guriyeynta Cilmi Maxamuud Nuur.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Jamaal Maxamed Xasan oo hore ugu tartamay xilka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari u magacaabay wasiirka ganacsiga & warshadaha, halka uu xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf  u magacaabay wasiirka howlaha guud & guriyeynta.

Wareegtada magacaabista xubnaha cusub ee wasiiradda waxaa akhriyay afhayeenka xukuumadda Cabdinaasir Axmed Bashiir.

PUNTLAND POST